Madaxweynaha Mareykanka ayaa si lama filaan ah isaga baxay shirka G7 oo ka socda dalka Canada, xili uu sii xoogeysanayo dagaalka Iran iyo Israel.

Donald Trump ayaa ka dhoofay dalka Kanada saacado uun kadib markii uu halkaas ka furmay shirka dalalka G7, isaga oo ku andacooday xiisada Bariga Dhexe.
Trump ayaa xalay saqdii dhexe intuusan ka dhoofin dalka Kanada qoraal u muuqday hanjabaad ku socotay Iran soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku booriyay dadka degan magaalada Tehran in ay isaga guuraan magaalada caasimada Iran iyadoo xiisada u dhaxeysa Israel iyo Iran ay galayso maalintii shanaad.
Israel ayaa olole xoogan ugu jirta in Mareykanka si toos ah dagaalka usoo galo kadib khasaarihii kasoo gaaray duqeyntii Iran uga jawaabtay duulaanka gardarada ah ee Israel.