Xidhitaanka Iiraan ee Gacanka Hormuz iyadoo ka jawaabaysa weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa qiimaha saliidda adduunka…

Xidhitaanka Iiraan ee Gacanka Hormuz iyadoo ka jawaabaysa weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ayaa qiimaha saliidda adduunka kor u qaaday $100 dollar halkii foosto, waxayna dhaqaalaha adduunka oo dhan ku qasabtay inuu hoos u dhaco.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa oo si adag uga hadlay xirnaanshaha Hormuz ayaa sheegay in dalkiisu ka adkaaday Iran haseyeeshee loobaahan yahay isbahaysi si loo ilaaliyo marin biyoodka oo u furan maraakiibta.
Donald Trump,“Maraykanka wuxuu si buuxda uga adkaaday Iran, dhinac kasta ciidan ahaan, dhaqaale ahaan, iyo siyaabo kale oo badan. Laakiin dalalka adduunka ee saliidda ka qaata marinka Hormuz waa inay daryeelaan marin-biyoodkaas, annaguna waan caawin doonnaa si weyn”, Ayuu yiri Trump.
Ugu dambayntiina Trump ayaa sheegay in,”Maraykanku sidoo kale wuxuu la shaqayn doonaa dalalkaas si arrimuhu u dhacaan si degdeg ah, si habsami leh, oo wanaagsan. Tani waa inay mar walba ahayd dadaal wadajir ah, waxayna keeni doontaa in adduunku u soo jeesto wadajir, amni, iyo nabad waarta.”



