Trump oo jawaabtii iyo sharuudaha Iran ku tilmaamay ‘Qashin’, iyo xabad joojinta oo qarka u saaran inay burburto

11 May, 2026

Dadaalladii u dhexeeyay Washington iyo Tehran ee lagu doonayey heshiis ayaa sii yaraanaya, taasoo sii hurinaysa walaaca laga qabo in dagaalku dib u bilowdo.

Donald Trump ayaa sheegay in xabad joojinta ay la galeen Iran ay qarka u saaran tahay inay burburto, kadib markii uu qaadacay jawaabta Tehran oo uu ku tilmaamay mid “nacasnimo ah.”

Diidmada degdegga ah ee madaxweynaha Mareykanka ee jawaabta Iiraan ka timid Axaddii shalay ayaa sii hurisay walaac laga qabo in colaadda 10-ka toddobaad jirsatay ay sii socon doonto, ayna sii wadi doonto inay curyaamiso maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz.

Isagoo tixraacaya soo jeedintii ugu dambeysay ee Iran, Trump wuxuu sheegay in xabad joojintu ay tahay “midda sii daciifaysa kadib markii aan akhriyay qashinka ay noo soo direen.” ayuu yiri.

Maalmo kadib markii Washington ay Iran u gudbisay sharuudahooda loogu talagalay in dib loo furo wadahadallada, Iiraan Axaddii waxay soo saartay jawaab diiradda saareysa joojinta dagaalka dhammaan dhinacyada, oo uu sidoo kale ku jiro dagaalka ka socda Lubnaan, halkaas oo xulafada Mareykanka ee Israa’iil ay la dagaallamayso dagaalyahannada Hezbollah ee ay taageerto Iiraan.

Tehraan waxay sidoo kale dalbatay magdhow laga bixiyo khasaaraha dagaalka, waxayna xoogga saartay madax-bannaanideeda inay maamusho marin biyoodka Hormuz, waxay ugu baaqday Mareykanka inuu joojiyo xayiraadda uu saarayo badda, uu dammaanad qaado inaan la weerarin Iran mar danbe, uu qaado cunaqabataynta dhaqaalaha ee dalkaas saaran, iyo xayiraadda iibka saliidda Iiraan.

Raadinta heshiis dhexmara Mareykanka iyo Iiraan ilaa hadda waa mid aan lagu guuleysan, iyadoo Trump uu ku hanjabay inuu dib ugu laaban doono dagaalka iyada oo aan la helin tanaasul dhanka Tehran oo sheegtay inaysan gorgortan ka geli doonin madax-bannaanideeda. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sidoo kale muujiyay kalsooni darro ay ku qabaan Mareykanka, kaasoo hore u weeraray Iiraan xilliyadii wadahadallada.

Hubanti la’aanta ku xeeran iskahorimaadka ayaa khalkhal gelisay dhaqaalaha adduunka, maadaama marin biyoodka Hormuz – oo ah marin muhiim u ah dhoofinta saliidda iyo gaaska ee ka timaadda Bariga Dhexe – uu illaa iyo hada xiran yahay.