Trump oo ka fekeraya inuu awood milatari kula wareegi karo dhulka Greenland, Denmark

7 January, 2026

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku dooday in xakamaynta Greenland ay tahay “muhiimad istaraatiijiyadeed”. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa isku dayay inuu hoos u dhigo hadallada Trump, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay door bidayaan in ay iibsadaan Greenland.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka fiirsanaya fursadaha ay ku jiraan tallaabo milatari si uu ula wareego Greenland, sida uu sheegay Aqalka Cad Talaadadii.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Trump uu u arko helitaanka jasiiradda hodanka ku ah macdanta inay tahay mudnaanta amniga qaranka ee istaraatiijiga ah si uu ula dagaallamo Ruushka iyo Shiinaha.

“Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa ka wada hadlaya fursado kala duwan si loo gaaro yoolkan muhiimka ah ee siyaasadda arrimaha dibadda, dabcan, isticmaalka militariga Mareykanka waa ikhtiyaar uu had iyo jeer haysto taliyaha guud,” ayay ku tiri hadal ay soo saartay.

Trump ayaa dib u cusbooneysiiyay xiisihiisa Greenland maalmihii la soo dhaafay kadib markii militariga Mareykanka uu afduubtay Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Trump wuxuu ku dooday in la wareegidda Mareykanka ee Greenland ay lagama maarmaan u tahay si looga hortago dhaqdhaqaaqa sii kordhaya ee Ruushka iyo Shiinaha ee waqooyiga Arctiga.

Mareykanka ayaa hada Saldhigga Hawada Sare ku leh magaalada Pituffik ee waqooyi-galbeed Greenland.

Greenland ayaa kamid ah dhulka hoostaga wadanka Boqortooyada Denmark muddo boqollaal sano ah, haddana waa dhul iskiis u maamula oo qeyb ka ah dhulka Denmark, iyadoo xaq u leh inay raadsadaan madax-bannaani sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa Isniintii sheegtay in la wareegidda Mareykanka ee Greenland ay la macno tahay dhammaadka isbahaysiga militariga ee NATO.

Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Poland iyo Spain ayaa ku biiray Denmark iyagoo soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku mideysan yihiin difaaca jasiiradda.