Trump oo ka walaacsan xakamaynta Iran ee marinka Hormuz

18 April, 2026

Inkasta oo Trump uu Jimcihii ku dhawaaqay in wadahadallo dhici doonaan, ma jirin wax calaamad cad oo muujinaysa in wadaxaajoodyo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay dhici doonaan dhammaadka toddobaadka.‎‎‎‎

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Tehran aysan u adeegsan karin xiritaanka marinka Hormuz nooc ka mid ah handadaad ka dhan ah Mareykanka, inkastoo Iiraan ay Sabtidii ku dhawaaqday inay xoojinayso xakamaynta marinkan biyaha isla markaana uga digtay maraakiibta in ay maraan jidkan muhiimka ah.

‎‎Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa sheegay in ciidanka badda ee Iiraan ay diyaar u yihiin inay gaarsiiyaan cadawgooda guuldarrooyin cusub oo qadhaadh, taasi oo Tehran ay sheegtay inay ka jawaabayso go’doomin joogto ah oo Mareykanku ku hayo dekedaha Iiraan oo ay ku tilmaantay jebinta xabbad-joojintooda.

‎‎‎Ilo ka tirsan maraakiibta ayaa sheegay in ugu yaraan laba markab oo uu ka babanayey calanka dalka Hindiya gantaal lagu dhuftay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka. Hindiya ayaa markii dambe sheegtay inay u yeertay safiirka Iiraan ee New Delhi, isla markaana ay u gudbisay walaaceeda weyn ee ku saabsan labada markab ee wata calanka Hindiya ee lagu weeraray marinka.

‎‎Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa soo xigatay Golaha Amniga Qaranka oo sheegay in awoodda Iiraan ee marinka ay ka mid tahay in lagu khasbo markab kasta bixinta kharashaadka la xiriira xanibaada.‎‎

Telefishinka dowladda ayaa sidoo kale soo xigtay Golaha Amniga Qaranka, isagoo sheegay in ka dib wadahadallo dhowaan uu dhexdhexaadinayay Pakistan, Mareykanku uu soo bandhigay fikrado cusub. Waxaa la sheegay in Tehran ay ka fiirsanayso, balse aysan weli ka jawaabin.‎‎

Inkasta oo Trump uu Jimcihii ku dhawaaqay in wadahadallo dhici doonaan, ma jirin wax calaamad cad oo muujinaysa in wadaxaajoodyo toos ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay dhici doonaan dhammaadka toddobaadka.‎‎‎‎

Horseed Media