Trump ayaa casuumay tobanaan hoggaamiye caalami ah si ay uga mid noqdaan, isagoo sheegay inuu doonayo in guddigu wax ka qabto caqabadaha ka baxsan joojinta dagaalka ee daciifka ah ee Gaza, taasoo dhalisay walaac ku saabsan in guddigu wiiqi karo doorka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku dhawaaqay Guddiga Nabadda oo markii hore loogu talagalay inuu joojiyo dagaalka Qasa, balse loo arko inuu awooddo badan yeellan doono, taasoo cabsi gelisay qaar ka mid ah awoodaha caalamiga ah, inkastoo uu sheegay inuu la shaqeyn doono Qaramada Midoobay.
“Marka guddigan si buuxda loo dhiso, waxaan sameyn karnaa wax kasta oo aan rabno. Waxaana samayn doonnaa anagoo la kaashanayna Qaramada Midoobay,” ayuu Trump yiri, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay leedahay awood weyn oo aan weli si buuxda loo adeegsan.
Trump ayaa casuumay tobanaan hoggaamiye caalami ah si ay uga mid noqdaan, isagoo sheegay inuu doonayo in guddigu wax ka qabto caqabadaha ka baxsan joojinta dagaalka ee daciifka ah ee Gaza, taasoo dhalisay walaac ku saabsan in guddigu wiiqi karo doorka Qaramada Midoobay.
In kasta oo awoodaha gobolka Bariga Dhexe sida Turkiga, Masar, Sacuudi Carabiya, Qatar iyo sidoo kale dalalka soo koraya sida Indonesia, ay ku biireen guddiga, awoodaha caalamiga ah iyo xulafada dhaqameed ee Galbeedka iyo Maraykanka ayaa muujiyay taxaddar dheeraad ah.

Trump wuxuu sheegay in xubnaha joogtada ah ay tahay inay maaligeliyaan guddiga iyagoo bixinaya $1 bilyan midkiiba.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in guddigu diiradda saari doono hubinta in qorshaha nabadda ee Qasa la fuliyo, loona adeegsan karo meelo kale oo adduunka ah.
Marka laga reebo Mareykanka ma jiraan xubno joogto ah oo ka tirsan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay gaar ahaan shanta dal ee ugu awooda badan arrimaha sharciga caalamiga ah iyo diblomaasiyadda tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka oo weli diyaar u ah inay ku biiraan guddiga.
Ruushka ayaa fiidkii Arbacada sheegay inay daraasad ku sameynayaan soo jeedinta kadib markii Trump sheegay in ay ku biiri doonaan.
Faransiiska ayaa diiday inuu ku biiro, Britain ayaa Khamiistii diiday, Shiinaha weli ma sheegin ku buuristiisa.
Abuurista guddigan waxaa ansixiyay qaraar ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay qayb ka mid ah qorshaha nabadda Qasa ee Trump.
Horseed Media



