Trump oo ku dhawaaqay in 50% canshuur la saaro badeecadaha Midowga Yurub laga bilaabo Juun 1

23 May, 2025

Isagoo ku tilmaamay wadahadallada ganacsiga mid is-mariwaa ah, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 50% ku soo rogi doono EU-da 1da June. Suuqyada Yurub ayaa isla markiiba hoos u dhacay kadib markii Trump uu warkan soo dhigay baraha bulshada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu ku talinayo in 50% canshuur la saaro badeecadaha ka yimaada Midowga Yurub, isaga oo sabab uga dhigay in ay ismari waayeen wadahadaladii ganacsiga.

“Wadahadaladayada aan la yeelanayno meelna uma socdaan! Sidaa darteed, waxaan ku talinayaa in si toos ah 50% tariff la saaro Midowga Yurub, laga bilaabo 1da Juun 2025,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, Trump waxa uu ku celiyay dhaleecayn uu u jeediyay Midowga Yurub, isaga oo sheegay in ururkan oo loo sameeyay “ujeedada koowaad ee ah in Maraykanka looga faa’iidaysto ganacsiga.”

Waxa uu sidoo kale ka cawday Midowga Yurub “Caqabadaha Ganacsiga ee xoogga leh, Canshuuraha, Ganaaxyada Shirkadaha, Caqabadaha Ganacsiga, Wax-is-daba-marinta Lacagta, Dacwooyinka aan caddaaladda ahayn iyo kuwa aan caddayn ee ka dhanka ah Shirkadaha Maraykanka.”