Heshiiska xabad joojinta waxaa sidoo kale ku jiri doona isdhaafsiga 1,000 maxaabiis dagaal ah, sida uu sheegay madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xabad joojin saddex maalmood ah lagu hakin doono dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
Isagoo Jimcihii soo dhigay bogga Truth Social, hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in xabad joojintu ay socon doonto laga bilaabo Sabtida ilaa Isniinta.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in SADEX MAALMOOD LA JOOJIN doono dagaalka u dhexeeyay Ruushka iyo Ukraine,” ayuu yiri Trump.
Ruushku wuxuu horey ugu dhawaaqay xabbad-joojin hal maalin ah oo hal dhinac ah si loogu xuso Maalinta Guusha Dagaalkii Labaad ee Adduunka 9-ka Maajo oo ku beegan berri oo Sabti ah.
Ukraine waxay hore u sheegtay inay sidoo kale soo bandhigtay xabbad-joojin laakiin Moscow ayaa iska indha tirtay.
Trump ayaa maanta u mahadceliyay dhiggiisa Ruushka iyo Ukraine Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskyy oo ogolaaday soo jeedintan.
“Wadahadalladu way sii socdaan, waxaan rajeynayaa inay tahay bilowga dhammaadka Dagaalkan aad u dheer.”, ayuu yiri Trump.



