Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ka jawaabi doono diyaarad nooca Apache ah oo lagu soo riday marin biyoodka Hormuz.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay soo riday diyaarad helicopter ah ee nooca Apache ee dagaalka iyadoo ilaalinaysa marin biyoodka Hormuz.
“Waxay hadda ii sheegeen Ciidankeenna in xalay Iiraaniyiintu ay soo rideen mid ka mid ah diyaaradaha Helicopters-ka Apache ee aadka u casrisan iyadoo ilaalinaysa marin biyoodka Hormuz,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu ku qoray barta Truth Social.
Trump wuxuu sheegay in labada duuliye ee diyaaradan “la badbaadiyey oo aan dhaawac soo gaarin” wuxuuna sii raaciyay in Mareykanku uu ka jawaabi doono.
Milatariga Mareykanka ayaa hore u sheegay in diyaarad helicopter ah “lagu waayay badda” iyada oo aan faahfaahin ka bixin waxa sababay.




