Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbadiisii ugu horeysay ka jeediyay fadhiga wadajirka ah ee Kongares-ka, lix toddobaad kadib markii uu ku laabtay Aqalka Cad.

Khudbadiisii ugu dheerayd ayuu ugu dabaaldegay go’aannadiisa tirada badnaa tan iyo intuu xilka dib ugu soo noqday, isagoo leh “Maraykanku waa soo laabtay.”
Trump ayaa bogaadiyay go’aanadiisa, isagoo wacad ku maray inuu la wareegi doono kanaalka Panama iyo dhulka Greenland, siduu hadalka u dhigay.
Trump ayaa sheegay in uu ka shaqaynayo “sidii loo soo afjari lahaa colaadda waxashnimada ah ee Ukraine.”
Waxa uu sheegay in Maraykanku boqolaal balaayiin dollar oo gargaar milatari ah u diray Ukraine.
Trump ayaa u muuqday inuu meesha ka saarayo cabsida laga qabo in xidhiidhka Maraykanka ee dalalka Yurub uu sii xumaanayo.
Waxa uu sheegay in uu warqad ka helay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy taas oo muujinaysa inuu diyaar u yahay inuu “yimaado miiska wada xaajoodka” si loo dhiso “nabad waarta.”
Waxa uu sheegay in maamulkiisu “uu dhisi doono aasaaskaas” mustaqbal nabadeed oo barwaaqo ah ee Bariga Dhexe, oo uu ku tilmaamay “gobal qallafsan.”