Trump oo ku goodiyey inuu soo afmeerayo dagaalka ka dhanka ah Iran.

10 March, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan uu si…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan uu si dhakhso u dhammaan doono, isagoo isku dayaya inuu dejiyo xiisada ka dhalatay qiimaha saliida kor usii kacaya heerkii ugu sarreeyay muddo afar sano ah isla markaana halis geliyay dhaqaalaha adduunka.

Isagoo ka hadlayay goobtiisa dalxiiska ee Doral oo u dhow Miami, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in dagaalka Iiraan wakhti kooban lagu soo gaba-gabeyn doono, balse arrintaasi ayaan hada muuqan.

Hadalka Trump ayaa yimid ka dib markii qiimaha saliiddu uu kor u kacay qiyaastii 30 boqolkiiba ilaa ku dhawaad ​​​​$120 halkii foosto, taasoo ruxday suuqyada caalamka.

Kororka taariikhiga ah ayaa ku qasbay wasiirada maaliyadda ee G7 inay qabtaan kulan degdeg ah si ay uga fiirsadaan tallaabooyinka lagu xasilinayo suuqyada tamarta.