Tallaabadan ayaa ah xiisadii ugu dambeeyay ee dagaalka ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii ku hanjabay inuu canshuuro 200% ah saarayo khamriga Yurub haddii Midowga Yurub uu sii wado qorshaha lagu canshuurayo soo dejinta khamriga Wiskiga Mareykanka.
Canshuurta wiski-ga ee 50% ee Midowga Yurub, taasoo lagu waday inay dhaqan gasho 1-da Abriil, ayaa lagu dhawaaqay iyadoo laga jawaabayo qorshaha maamulka Mareykanka uu ku canshuurayo biraha iyo aluminiumka Yurub laga keeno.
“Haddii Tariifkan aan si dhakhso ah meesha looga saarin, Maraykanku wuxuu 200% saari doonaa dhammaan khamriga ka soo baxa Faransiiska iyo dalal kale ee Midowga Yurub,” ayuu madaxweynaha Maraykanku ku soo qoray bartiisa bulshada ee Truth Social.
Ku dhawaaqida Trump ee Khamiista ayaa ah xiisadii ugu dambeeyay ee muranka ganacsi ee sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo qaar badan oo kamid ah xulafadiisa iyo saaxiibada ganacsiga ugu dhow, oo ay ku jiraan EU, Canada iyo Mexico.
Arbacadii, wuxuu saxafiyiinta ugu sheegay Aqalka Cad in “dabcan” uu ka aargoosan doono canshuuraha Midowga Yurub.