Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro hay’adda masiibooyinka federaalka ee FEMA.

Wuxuuna Trump ku hanjabay inuu joojin doono gargaarka California ee khasaarihii dabka haddii hoggaanka dimoqraadiga ee gobolku uusan beddelin sharciyadiisa codeynta doorashada.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday aagagga musiibooyinka ee Waqooyiga Carolina Jimcihii, safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu kusoo noqday xafiiska.
Trump ayaa sheegay in uu saxiixi doono amar baabi’in kara hay’adda masiibooyinka federaalka, isagoo sare u qaadaya dadaalkiisa ku aaddan in awoodda madaxweynaha uu ku maamulo dalka iyo in uu go’aan ka gaaro gobollada xisbiga Dimuquraadiga ku xoogan yihiin ee lacagta ka hela Washington.