Trump oo ku hanjabay inuu toddobaadka dambe beegsan doono xarumaha korontada ee Iran haddii aan heshiis la gaarin

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku uu ballaarin doono weerarrada uu ku hayo Iran toddobaadka dambe, isagoo beegsan doona xarumaha korontada iyo buundooyinka haddii Tehran aysan oggolaan heshiis.

15 July, 2026

“Todobaadka dambe xaaladdu aad bay ugu xumaan doontaa, sababtoo ah toddobaadka dambe waxaa xiga xarumaha korontada. Todobaadka kusii xiga waxaa ku xiga buundooyinka,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka.

“Waxaan burburin doonnaa dhammaan xarumaha korontadooda. Waxaan burburin doonnaa dhammaan buundooyinkooda, haddii aysan miiska wadaxaajoodka iman oo aysan gorgortan gelin.”

Hadalka Trump ayaa yimid xilli ciidamada Mareykanku ay weerarro ku qaadeen Iran maalintii afraad oo xiriir ah, isla markaana ay dib u soo rogeen xanibaad ciidan oo badeed oo lagu sameeyay dekedaha dalkaas.

Xabbad-joojin jilicsan oo labada dhinac ay gaareen 17-kii Juun ayaa si dhab ah u burburtay, iyadoo diiradda ay hadda saaran tahay gacan ku haynta marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Markii la weydiiyay muddada ay sii socon doonaan weerarrada Mareykanka, Trump wuxuu ku jawaabay:

“Way sii socon doonaan ilaa aan iraahdo waa ku filan tahay.”