Trump oo ku sii jeeda UK booqashadiisii ​​labaad

16 September, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in fiidnimada Talaadada uu gaaro Boqortooyada Ingiriiska ka dib casuumaad uu ka helay Boqor Charles III iyo Ra’iisul Wasaare Keir Starmer.

Xafiiska Raysalwasaaraha UK Starmer ayaa sheegay in booqashadu ay muujin doonto in “Xiriirka UK iyo Mareykanka uu yahay kan ugu xooggan adduunka, kaas oo lagu dhisay 250 sano oo taariikhi ah.”

Saraakiil sare oo Mareykan ah ayaa Isniintii sheegay in heshiisyo daboolaya tamarta iyo tignoolajiyada oo qiimahoodu ka badan yahay $10 bilyan lagu dhawaaqi doono.

Labada dal ayaa la filayaa in ay kala saxiixdaan heshiis ay kaga wada shaqeynayaan kor u qaadista quwadda Nukliyeerka.

Arbacada, madaxweynaha Mareykanka iyo xaaskiisa, Melania, waxaa lagu soo dhaweyn doonaa xafladda boqortooyada Ingiriiska ee Qasriga Windsor.

Khamiista, Raysalwasaaraha Starmer wuxuu Trump ku martigelin doonaa gurigiisa Checkers ee ku yaal baadiyaha koonfureed ee Ingiriiska.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan canshuuraha lagu soo rogay birta laga dhoofiyo Britain ee loo suuq geeyo Mareykanka.

Mudaaharaadyo ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan nawaaxiga Qasriga Windsor iyo badhtamaha London, kuwaas oo looga soo horjeedo booqashada Trump.