Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa magaalada Washington kula kulmay Donald Trump, kulankaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shir jaraa’id oo uu si wadajir ah ugu qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka isaga iyo Donald Trump uu sheegay in Faransiisku uu diyaar u yahay in uu dammaanad qaado Ukraine, ciidamada nabad ilaalinta ee Yurubna ay door ka qaadan karaan.
Macron ayaa sidoo kale u sheegay madaxweyne Trump in Yurub ay diyaar u tahay in ay “kor u qaado” kharashaadka difaaca balse waxa uu sheegay in uu rajaynayo inuu Maraykanku ku lug yeesho sidii loo sugi lahaa xaalada Ukraine.
Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu aqbalo ciidamada Yurub ee la geynayo dalka Ukraine si ay u dammaanad qaadaan heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.
“Haa, wuu aqbali doonaa,” ayuu yiri Trump. “Waxaan waydiiyay su’aashaas. Haddii aan samayno heshiiskan, isaga (Putin) ma doonayo Dagaal.”
Booqashada Macron ayaa ku soo beegantay iyadoo aan la hubin mustaqbalka xiriirka isbaheysiga reer Galbeedka, iyadoo Trump uu u dhaqaaqayo inuu si dhaqso ah u soo afjaro dagaalka Ukraine, isagoo aan wax kaalin ah kasiin dalalka Yurub inay si toos ah uga qeybtaan wadahadalka Ruushka.