Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu canshuur 25% ah ku soo rogi doono dhammaan biraha iyo aluminiumka laga keeno, oo ay ku jiraan Canada iyo Mexico, laga bilaabo Isniinta.

Toddobaadka dambe, waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo canshuuro cusub oo lagu beegsanayo waddamada canshuuraha kusoo rogay badeecadaha Mareykanka.
Trump ayaa canshuuro kuwan la mid ah ku soo rogay intii uu madaxweynaha ahaa 2017-2021 si uu u difaaco warshadaha Mareykanka, kuwaasoo uu aaminsan yahay inay tartan cadaalad darro ah kala kulmeen dalalka Aasiya iyo Yurub.
Kanada – oo uu Trump horay ugu hanjabay canshuur — waa isha ugu weyn ee birta iyo aluminiumka la keeno Mareykanka, sida laga soo xigtay xogta ganacsiga Mareykanka. Brazil, Mexico iyo South Korea ayaa sidoo kale biraha u iibgeeya dalkaasi.