Trump oo la kulmaya Putin si loo joojiyo dagaalka Ukraine

24 January, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka ka socda dalka Ukraine, wuxuuna muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay in uu si deg deg ah ula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isagoona sheegay in Kiev ay diyaar u tahay wada xaajood.

Trump ayaa xaqiijiyay – intii uu ka qeyb galayay shirka dhaqaalaha ee Davos khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad – in uu doonayo in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula kulmo dhiggiisa Ruushka oo uu joojiyo dagaalka uu kula jiro Ukraine.

“Arrintan ma ahan mid dhinaca dhaqaalaha iyo wax kale ka eegaya, waxaa sabab u ah malaayiinta nolosha ah ee ku dhimanaya… waa xasuuq, runtii waa inaan joojino dagaalkan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Trump ayaa intaa ku daray in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu u sheegay in uu diyaar u yahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

Trump ayaa u sheegay ka qaybgalayaasha Davos in dadaallada Mareykanka ee lagu raadinayo xal nabadeed ay hadda socdaan, balse ma uusan bixin wax tafaasiil ah.

Horraantii toddobaadkan, Trump wuxuu ku hanjabay inuu “cunaqabatayn heer sare ah” ku soo rogi doono Ruushka iyo canshuuraha laga soo dejiyo halkaas haddii Moscow aysan xallin.

Ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii November 5, Trump wuxuu ku dhawaaqay marar badan inuu heshiis la gaari doono Ukraine iyo Ruushka maalintiisa ugu horreysa ee xafiiska, haddii aysan dhaqso u dhicin.

Hadda la-taliyayaashiisu waxay qireen inay bilo qaadanayso in la soo afjaro dagaalka.