Trump oo Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ku tilmaamay kaligii taliye!

19 February, 2025

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Ukraine ayaa midba midka kale weeraray Volodymyr Zelenskyy oo sheegay in Donald Trump uu ku nool yahay beenta Ruushka, Trumpna wuxuu Zelenskyy ku tilmaamay “kaligii taliye”.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ku tilmaamay “kaligii taliye doorasho la’aan jooga” kadib markii hogaamiyaha Ukraine uu ku eedeeyay Trump inuu ku dhex noolyahay “beenta iyo dacaayada” Ruushka.

Trump ayaa sidoo kale ku andacoodey in Maraykanku “si wanaagsan u galayo wada xaajoodka joojinta dagaalka Ruushka.”

“Kaligii taliye aan doorasho qaban, Zelenskyy waa inuu si degdeg ah go’aan u qaato haddii kale wuu lumin doonaa dalkiisa,” Trump ayaa sidaa kusoo qoray bartiisa bulshada.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in aanu “ka iibinayn” Ukraine dalka Maraykanka, isaga oo tixraacaya qorshe uu soo jeediyay Trump kaas oo qeexaya in Ukraine ay dib u bixiso gargaarkii ay ka heshay Washington oo ay ugu bedasho macdanta dhulka.

“Waan difaacayaa Ukraine, ma iibin karo dalkeenna,” ayuu yiri Zelenskyy, isaga oo intaa ku daray in maamulka Trump uusan “daacad” ka aheyn heshiiska.

Zelenskyy waxaa la doortay 2019 shan sano laakiin waxa uu ku sii talinayey xukunka sharciga dagaalka ee lagu soo rogay Ukraine kadib duulaankii Ruushka. Sharciga Yukreeniya uma baahna doorasho xilliga dagaalka.