Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale saxiixay amarro fulineed oo lagu doonayo in lagu xaddido…

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale saxiixay amarro fulineed oo lagu doonayo in lagu xaddido xuquuqda dhalashada ku salaysan ee Maraykanka (birthright citizenship), toddobaadyo kaddib markii isku daygiisii hore uu caqabado kala kulmay go’aanno maxkamadeed.
Trump ayaa Khamiistii saxiixay laba amar oo fulineed. Midka koowaad ayaa ballaarinaya qeexitaanka dadka aan muwaadiniinta ahayn ee carruurtoodu aanay si toos ah u heli doonin dhalashada Maraykanka haddii ay ku dhashaan gudaha dalka.
Amarka labaad ayaa bartilmaameedsanaya waxa loo yaqaan “dalxiiska dhalmada” (birth tourism), oo ah marka haween uur leh ay u safraan Maraykanka si ay halkaas ugu dhalaan carruurtooda, iyadoo ujeeddadu tahay in ilmuhu si toos ah u helo dhalashada Maraykanka.
Isagoo ka hadlayay Xafiiska Oval-ka, Trump ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay muddo dheer sugnaayeen, isagoo yiri: “Tani waxay ahayd inay dhacdo sannado ka hor, laakiin hadda ayaan hirgelinaynaa.”




