Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu gobolka u dirayo “maraakiib dagaal oo aad u badan”.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xalay dib u cusbooneysiiyay hanjabaadda ah in tallaabo milatari laga qaadi doono Iiraan, iyadoo wararka sheegaya in tirada dhimashada ee banaanbaxayaasha Iran ay sii kordheyso kadib howlgallada dowladda Iran amniga ku sugeyso.
Trump ayaa hanjabaadda jeediyay xilli uu la hadlayay wariyeyaasha saaran diyaaradiisa Air Force One xili uu ku sii jeeday Washington kana yimid Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, Switzerland.
“Waxaan u direynaa maraakiib aad u badan… waxaa rajeenayaan inaan loo baahan doonin inaan isticmaalno awood… waxaan haysannaa maraakiib dagaal oo badan oo hada dhankaas kusii jeeda,” ayuu yiri Trump markii uu ka hadlayay falcelinta suurtagalka ah ee Mareykanka ee ku aaddan rabshadaha socda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Trump ayaa horay u sameeyay hanjabaado kuwan lamid ah, isagoo sidoo kale ku boorriyay dibadbaxayaasha Iiraan inay la wareegaan hay’adaha Iiraan, isagoo ballan qaaday inuu “caawinaad usoo dirayo.”
Laakiin xiisadda ayaa hoos u dhacday toddobaadkii hore iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu sheegay inuu ka helay Iiraan war ah in ay joogsadeen hawlgalada dowlada ee ka dhanka ah shacabka.



