Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib usoo celiyey cambaareyntii uu u diri jiray xulafadiisa NATO, kulan uu la qaatay madaxa NATO Mark Rutte, isagoo ku dhaleeceeyay wadamada Yurub inaysan taageerin dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.

Trump oo Aqalka Cad ku qaabilay Rutte, ayuu markale ku celiyay niyad jabkiisa ah in xubnaha isbahaysiga NATO aysan ku biirin dadaalkii ay ku qaadeen Iiraan.
“Uma baahnin caawimaad arrintan gabi ahaanba. Waxaan burburinay usbuucii ugu horreeyay,” ayuu Trump ka yiri dagaalkii Iiraan.
“Laakiin way fiicnaan lahayd haddii ay dhihi lahaayeen, ‘Waxaan jeclaan lahayn inaan caawinno.’ Xitaa uma aanan baahnayn, laakiin way fiicnaan lahayd haddii ay sidaas yiraahdaan.” ayuu yiri.
Trump, oo si cad uga fikiraya inuu ka baxo isbahaysiga, ayaa tilmaamay inuu arrinta si dheeraad ah ugala hadli doono Rutte si hoose.
“Waxaan ka wada hadli doonnaa waxa dhacay, waana arki doonnaa waxa dhaca,” ayuu yiri.
Trump wuxuu si joogto ah u muujiyay niyad jab ah in dalalka Yurub aysan wax badan ka qaban taageerada Mareykanka ee dagaalka ka dhanka ah Iiraan, kaasoo billo colaad ah ka dhaliyay Bariga Dhexe isla markaana argagax geliyay dhaqaalaha adduunka.
Laakiin booqashada Rutte ee Aqalka Cad wuxuu ku soo beegmayaa waqti xasaasi ah. Qiyaastii laba toddobaad gudahood, Luulyo 7, NATO waxaa la filayaa inay shir madaxeedkeeda sanadlaha ah ku qabtaan Ankara, caasimadda Turkiga.
Rutte waxaa si weyn loogu arkaa nin si weyn ugu dhaw Trump, dadka dhaleeceeyana waxay u arkaan booqashadiisa Aqalka Cad inay tahay isku day lagu dejinayo madaxweynaha Mareykanka.
Trump, dhankiisa, Rutte ku ammaanay inuu yahay hogaamiye wanaagsan.
“Haddii qof kale uu booskaas ku jiri lahaa, xitaa maanta ma kulmi lahayn, hadaan daacad u hadlo, sababtoo ah waan niyad jabnay,” ayuu yiri Trump, isagoo ka hadlayay niyad jabkiisa uu kala kulmay isbahaysiga NATO.




