Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in Iiraan ay “xadgudub weyn” ku sameysay xabad joojinta, laakiin heshiis nabadeed “uu dhici doono si uun ama si kale – si wanaagsan ama si xun!”.

Iiraan iyo Mareykanka ayaa horumar ka sameeyay wadahadallada laakiin wali heshiis dhameystiran ayaan la gaarin, sida laga soo xigtay madaxada Iiraan – taasoo xoojineysa walaaca laga qabo suurtagalnimada in dagaalku dib loogu laabto marka xabad joojintoodu 10ka maalmood ah dhamaato Arbacada soo socota.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in wafdiga Mareykanka ay u safri doonaan caasimadda Pakistan ee Islamabad Isniinta, si ay u soo gabagabeeyaan wadahadalada dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan.
Qoraal uu Axaddii ku qoray baraha bulshada, Trump ma uusan faahfaahin saraakiisha uu Mareykanku u diri doono wareeg labaad oo wadahadalka fool ka foolka ah.
Wadahadalladii dhammaadkii toddobaadkii hore, oo Madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu hoggaaminayay wafdiga Mareykanka, ayaa ku dhammaaday heshiis la’aan.
Qoraalkiisa, Trump wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay jebisay xabad joojinta, isagoo ku eedeeyey Iran weeraradii Sabtidii shalay ka dhacay marin biyoodka Hormuz.
Madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku hanjabay inuu burburin doono kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan haddii aysan aqbalin shuruudaha heshiiska uu Mareykanku soo bandhigay.
Ma jirin wax hadal ah oo maanta kasoo baxay Tehran oo ku saabsan hanjabaada Trump.
Wakaaladda Wararka ee Tasnim ee Iiraan ayaa werisay in aysan jirin go’aan ay Iiraan ku gaartay inay wafdi u dirto Pakistan “ilaa inta ay jirto xayiraad dhanka badda ah” oo uu Mareykanka kusoo rogay dekedaha Iiraan.




