Trump oo muddo u qabtay burburinta xarumaha tamarta Iran.

27 March, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale ku dhawaaqay inuu hakiyay duqeymaha lagu beegsanayo xarumaha tamarta ee…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale ku dhawaaqay inuu hakiyay duqeymaha lagu beegsanayo xarumaha tamarta ee Iran muddo 10 maalmood ah, si loo sii wado wadahadallada u dhexeeya Maraykanka iyo xukuumadda Tehran.

Donald Jr Trump, wuxuu sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsi ka yimid dowladda Iiraan, isagoo xusay in hakinta ay socon doonto ilaa Isniinta, 6-da Abriil 2026, saacadda 8:00 fiidnimo, xilli uu soo dhammaaday waqti 5 cisho ah oo uu horay u siiyey.

“Marka la eego codsi ka yimid dowladda Iran, fadlan bayaan-kan ha noqdo mid aan ku muujinayo inaan hakiyay muddada burburinta xarumaha tamarta muddo 10 maalmood ah, ilaa Isniinta, 6-da Abriil 2026, saacadda 8:00 fiidnimo”, Ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Trump, wuxuu intaasi ku daray,”Wadahadalladu way socdaan, inkastoo ay jiraan hadallo been abuur ah oo ka soo baxaya warbaahinta been-abuurka ah iyo kuwo kale, haddana waxay u socdaan si aad u wanaagsan, Waad ku mahadsan tihiin dareenka aad siisaan arrintan.”

Screenshot