Madaxweynaha Mareykanka ayaa hadalkan ka sheegay dalka Sacuudiga, waana booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago saddex dal oo ka tirsan Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu ballan-qaad maalgashi dhan $600 bilyan ka helay dhaxal-sugaha Sucuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa safarkiisii ugu horeeyay ee Bariga Dhexe ku tagay Sacuudiga, una sii gudbi doona Qatar iyo Imaaraadka Carabta.
Safarka Magaalada Riyaad, oo ah booqashadii ugu horeysay ee uu Trump ku tago tan iyo intuu xukunka kusoo noqday, wuxuu heshiis la saxiixday dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan oo Mareykanka u balanqaaday maalgashi gaaraya $600 bilyan oo dollar.

Trump ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu ka qaadayo cunaqabateynta Suuriya, iyo inuu qorsheynayo inuu la kulmo hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.
Trump ayaa la filayaa inuu Arbacada magaalada Riyadh kula kulmo madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa.