Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo inuu qayb ka mid ah ciidanka…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo inuu qayb ka mid ah ciidanka dalkiisa kala baxo Wadamada Talyaaniga iyo Spain, sababo la xidhiidha diidmadooda dagaalka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Iran.
Warbixin cusub ayaa muujinaysa in Maraykanku uu dib u eegayo joogitaanka ciidamadiisa ee dalalka Yurub, xilli ay sii kordhayso xiisadda dalalka ku midoobey NATO oo qaybo kamid ah diideen ka qaybgalka dagaalka Iran.
Madaxweyne Trump oo ka hadlayey aqalka Cad ayaa sheegay inuu ugu yaraan qaadi doono tallaabadaan oo dalalka qaar ciidamadiisa uga soo saarayo, isagoo intaas ku daray in Talyaaniga uusan bixin wax gargaar ah, halka uu Spain ku sifeeyay mid ” xun”.
Sida laga soo xigtay xogta ilaa 31 Diseembar 2025, tirada ciidamada Maraykanka ee Talyaaniga ku sugan waa 12,662, kuwa Spain waa 3,814, halka Jarmalkana ay yihiin 36,436.




