Trump oo qorshaynaya inuu dagaal ku qaado Iran

20 February, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu ka fiirsanayo weerar milatari oo xaddidan oo lagu qaado Iran haddii aan heshiis laga gaarin barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas.

Wariye ayaa weydiiyay haddii uu “ka fiirsanayo weerar milatari oo xaddidan haddii aan heshiis lala gaarin Iran,” Mr. Trump ayaa si kooban uga jawaabay: “Inta ugu badan ee aan dhihi karo waa inaan arrintan baarayo.”

Mr. Trump ayaa hore uga digay Iran, isagoo u qabtay 10 ilaa 15 maalmood si loo gaaro heshiis macno leh, isla markaana ku hanjabay in “waxyaabo xun” ay dhici karaan haddii heshiis aan la gaarin.

Arrintan waxay ku soo beegmaysaa xilli mala-awaalka ku saabsan tallaabo milatari oo Maraykanku ka qaado Iran uu sii kordhayo, sababo la xiriira hawlgelinta ciidamada Maraykanka ee gobolka.

Jimcaha maanta ah , markabki dagaalka ee USS Gerald R. Ford ayaa galay biyaha Mediterranean-ka, halka USS Abraham Lincoln, dhowr gantaal oo kuwa wax burburiya ah , diyaaradaha dagaalka iyo diyaaradaha kormeerka lagu geeyay Bariga Dhexe toddobaadkii la soo dhaafay.

Horseed Media