Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex diblomaasi oo loo kala dirayo Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga,…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay saddex diblomaasi oo loo kala dirayo Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga, xilli istaraatiijiyadda Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ay wajahayso xaalado amni iyo siyaasadeed oo sii cakirmaya.
Devin Kennington ayaa loo magacaabay inuu noqdo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, halka Junaid Munir loo magacaabay safiirka Jabuuti, waxaana Wesley Hunt uu Trump u magacaabay safiirka Mareykanka ee Sacuudiga. Hunt waa xildhibaan Jamhuuriga ah oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, sidoo kalena waa sarkaal hore oo milatari, halka magacaabistiisa Sacuudiga ay ku soo beegantay xilli xiisadaha Bariga Dhexe iyo weerarrada Xuutiyiinta iyo Iran ay sare u qaadeen muhiimadda istaraatiijiga ah ee Riyadh.
Kennington iyo Munir ayaa la sheegay inay leeyihiin khibrad dheer oo la xiriirta arrimaha diblomaasiyadda Mareykanka, iyadoo Kennington uu hore uga soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, taasi oo siinaysa faham ku saabsan xaaladaha Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha Soomaaliya, Jabuuti iyo xiriirka amni ee gobolka.
Magacaabista saddexdan safiir ayaa ku soo beegmaysa xilli Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika ay noqdeen goob muhiim u ah siyaasadda amniga Mareykanka, maadama Soomaaliya ku taallaa meel istaraatiiji ah oo ku dhow Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Badda Cas, halka Jabuuti ay martigeliso saldhigyo militari oo dalal kala duwan leeyihiin, iyadoo Maraykanku Sucuudiga u arko goob muhiim u ah ammaanka iyo danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe.
Xiriirka Washington iyo Muqdisho ayaa 2025 galay marxalad adag oo siyaasadeed, December 2025, maamulka Trump wuxuu sii waday xannibaad buuxda oo lagu soo rogay gelitaanka muwaadiniinta Soomaaliya, isagoo arrinta ku saleeyay walaacyo la xiriira baaritaanka, hubinta iyo xog-wadaagga amniga, iyadoo Turmp uu bilihii la soo dhaafay si hoose ula macaamilay qaar kamid ah maamulada kajira Somalia.



