Trump oo shaaciyey in hoggaanka cusub ee Iran halis yahay.

1 April, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iiraan uu ku baaqay xabad joojin,…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub ee Iiraan uu ku baaqay xabad joojin, haseyeeshee uusan weli ka fekerin sidii guud ahaan dagaalka loo soo afmeeri lahaa.

Donald Trump wuxuu sheegay in hoggaanka cusub ee la wareegey talada dalka Iran uu ka halis iyo caqli badan yahay midkii hore, haseyeeshee uu ka dalbaday inay dagaalka joojiyaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Cusub ee Nidaamka Iiraan, oo aad uga xagjirsan oo ka caqli badan kuwii ka horreeyay, ayaa hadda weydiistay Mareykanka inuu joojiyo dagaalka! Waxaan ka fiirsan doonnaa marka Hormuz Strait uu furan yahay, xor yahay, oo uu cad yahay. Ilaa markaas, waxaan ku qarxinaynaa Iiraan inay baaba’do”, Ayuu yiri Trump.

Madaxweynuhu wuxuu hore u muujiyay inuu “dhawaan” soo afjari doono dagaalkiisa Iiraan xitaa haddii Tehran ay ku guuldareysato inay heshiis gaarto, inkastoo xukuumadda Iiraan beenisey inay wada-xaajood kula jirto Maraykanka.