Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanku fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanku fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah dalka Venezuela iyo madaxweyne Nicolás Maduro.
Trump ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Nicolás Maduro iyo xaaskiisa la qabtay lana saaray diyaarad dalka dibeddiisa u qaadday, kaddib hawlgal uu sheegay in si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Mareykanka.
Dhanka kalena, Trump ayaa sheegay Madaxweynihii Venezuela lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka Mareykanka, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan halka lagu hayo ama nooca eedeymaha loo jeedinayo.
Tallaabadaan ayaa ku soo aadaysa xilli xiisad culus ay ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Venezuela, kaddib warar sheegaya qaraxyo iyo dhaqdhaqaaq militari oo ka dhacay caasimadda Caracas.



