Trump oo shaaciyey in xabad-joojinta Iran uu ku badbaadinayo ciidankiisa.

Madaxweyneha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad ugu sheegay la-taliyayaashiisa inuusan jebin doonin xabbad-joojinta Iran, si…

4 June, 2026

Madaxweyneha Mareykanka Donald Trump ayaa si cad ugu sheegay la-taliyayaashiisa inuusan jebin doonin xabbad-joojinta Iran, si loo badbaadiyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan guud ahaan Bariga Dhexe.

Donald Trump ayaa la sheegay inuu rumaysan yahay in xabbad-joojintu ay muhiim u tahay badbaadada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Bariga Dhexe, isla markaana uu doonayo in uu sii wado dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda.

Dhanka kale, xiisadda gobolka ayaa weli sareysa kadib weerarro is-daba-joog ah oo dhex maray Mareykanka iyo Iran toddobaadyadii u dambeeyay, kuwaas oo ay ku jireen weerarro lagu qaaday saldhigyo Mareykan ah iyo bartilmaameedyo Iiraan ku yaalla.

“Xabbad-joojinta waxaa ku nabad-galaya ciidankeena Bariga Dhexe” wuxuu ka tarjumayaa aragtida maamulka Trump ee ah in joogteynta xabbad-joojintu ay yaraynayso khatarta ciidamada Mareykanka ee gobolka, inkastoo ay weli jiraan weerarro iyo xiisado khatar gelin kara heshiiskaas jilicsan.