Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu bilaabo tallaabooyin dheeraad ah saaka…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu bilaabo tallaabooyin dheeraad ah saaka oo Isniin ah si loogu ggolaado maraakiibta ku xanniban marinka Hormuz inay gudbaan, iyadoo loo marayo qorshe uu ugu yeeray “Mashruuca Xoriyadda”.
Qoraal uu daabacay Trump ayuu ku sheegay inay wadahadalo aad u wanaagsan la leeyihiin jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, wuxuuna intaasi ku daray in laga filayo natiijooyin faado u leh dhammaan dhinacyada.
“Danta Iran, Bariga Dhexe, iyo Mareykanka awgeed, waxaan u sheegnay dalalkan in aan si ammaan ah u gudbin doonno maraakiibtooda marinkan xaddidan si ay si xor ah ugu sii wataan hawlahooda”, Ayuu yiri Turmp.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in maraakiibtan ay leeyihiin dalal aan lug ku lahayn dagaalka Bariga dhexe, wuxuuna faray wakiilladiisa inay u sheegaan in Mareykanku sameyn doono “dadaal ugu badan” si loo hubiyo badbaadada maraakiibta iyo shaqaalahooda marka ay ka baxayaan Marinka Hormuz.



