Qoraalka hoggaamiyaha Mareykanka ee uu soo dhigay baraha bulshada ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay sii kordhayaan hadalladiisa ka dhanka ah madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in hawada sare iyo kuwa ku hareeraysan Venezuela la xiri doono “gebi ahaanba”, iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada wadan ay sii kordheyso.
Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo Venezuela ka bixisay qoraalkii Trump uu ku qoray baraha bulshada Sabtidii.
Qoraalka Trump ayaa imanaya iyadoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay sii kordhayaan hadallada ay jeedinayaan saraakiisha sare ee Mareykanka ee ka dhanka ah Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro iyo dowladdiisa.
In kasta oo maamulka Trump uu sheegay inuu bartilmaameedsanayo Venezuela si uu qayb uga noqdo dadaallada lagula dagaallamayo ka ganacsiga daroogada, haddana khubarada iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in Washington ay u muuqato inay wadada u xaareyso duulaan sharci darro ah oo awoodda looga tuuro Madaxweynaha Venezuela, Maduro.
Mareykanka ayaa maraakiibtiisa dagaalka geeyay nawaaxiga dalalka Kariibiyaanka, waxayna fuliyeen duqeymo ba’an oo lagu burburiyey doonyo iyo maraakiib ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen ka ganacsiga daroogada, taasoo ay ku dhinteen daraasiin qof oo ay khubarada Qaramada Midoobay ku tilmaameen dilal aan sharci ahayn.
Horraantii toddobaadkan, Trump ayaa sidoo kale ka digay inuu dhawaan bilaabi doono bartilmaameedsiga ka ganacsiga daroogada ee gudaha dhulka Venezuela.
Maamulka Trump ayaa “sii kordhinayay cadaadiska” uu saarayo dowladda Maduro dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Madaxweynaha Venezuela Maduro ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishanka qaranka Khamiistii, wuxuu ku sheegay in dadka reer Venezuela aan la cabsi gelin doonin.



