Trump oo sheegay in Iran iyo Israa’iil ay ku heshiiyeen xabbad joojin

24 June, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Israa’iil iyo Iran.

Donald Trump ayaa ku dhawaaqay “xabad joojinta” u dhexeysa Iran iyo Israa’iil taasoo soo afjari doonta “dagaalka 12 maalmood ah”, inkastoo Israel iyo dawladda Iran midkoodna ka hadlin heshiiskan markii lagu dhawaaqay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Cabbaas Araghchi ayaa ku shaaciyey bartiisa X in aan “heshiis” la gaarin balse tahay hakinta duqeynta kadib markii Israa’iil joojisay weerarka.

Ku dhawaaqida lama filaanka ah ee Trump ayaa timid kadib markii uu uga mahadceliyey Tehraan ogaysiis hore oo ay siisay Maraykanka oo ku saabsan weerarkii xaddidnaa ee ay ku qaadeen saldhiga Maraykanka ee Qatar.

Xabad-joojinta oo dhaqan gashay 7-dii subaxnimo ee saaka oo talaado ah iyadoo daqiiqado kahor dhaqan gelinta ay Iran dhowr gantaal ku tuurtey Israa’iil, waxayna gantaladaas ku dhaceen bartamaha dhulka Israa’iil maamusho uuna ka dhashay khasaare xoogan.