Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo bilaabo wada xaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine, kadib wadahadal saacad iyo badh ah oo taleefoonka ah.

Donald Trump ayaa Arbacadii khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, taasoo ah talaabadii ugu weyneyd ee madaxweynaha cusub ee Mareykanka uu u qaado dhanka diblumaasiyadda in lasoo afjaro dagaalka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu Trump ku sheegay in isaga iyo Putin ay ku heshiiyeen inay si degdeg ah u bilaabaan wada xaajoodka, waxaana ku billaabi doonnaa in aan wacno madaxweynaha Zelensky, ee Ukraine, si aan ugu sheego wada hadalka, wax aan hadda sameyn doono.
Xafiiska Zelensky ayaa sheegay in Trump iyo Zelensky ay taleefoon ku wada hadleen muddo saacad ah.
Kremlin-ka ayaa sheegay in Putin iyo Trump ay ku heshiiyeen inay kulmaan, Putin ayaana ku casuumay Trump inuu booqdo Moscow.
Trump ayaa muddo dheer sheegay inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ukraine, isagoo aan sheegin sida uu arrintan u fulin doono.