Trump oo sheegay in Mareykanka uu bilaabay weerarro ballaaran oo ka dhan ah Daacishta Suuriya

20 December, 2025

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in weerarradu ay yihiin ‘aargoosi’, dagaalyahanno badanna la dilay.

Milatariga Mareykanka ayaa “weerar ku qaaday kooxda Daacish ee Suuriya”, ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump, toddobaad ka dib markii laba askari oo Mareykan ah iyo turjubaan lagu dilay magaalada Palmyra ee Suuriya.

Khudbad uu Jimcihii ka jeediyay Rocky Mount, North Carolina, Trump wuxuu sheegay inuu “amar ku bixiyay weerar ballaaran oo lagu qaado argagixisada dishay askarteena toddobaadkii hore”.

Ciidanka cirka ee Urdun ayaa sidoo kale fuliyay weeraro ka dhan ah kooxda ku sugan koonfurta Suuriya, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Sabtidii.

Trump si gaar ah ayuu ugu qoray boggiisa Bulshada in dowladda Suuriya, oo la aasaasay kadib markii la riday nidaamkii Bashar al-Assad dabayaaqadii 2024, ay “si buuxda u taageersan tahay” howlgalka militariga Mareykanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in howlgalka uu ku dhacay 70 bartilmaameed oo ay ku jiraan kaabayaasha iyo kaydka hubka Daacish.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa sidoo kale ku celisay ballanqaadkeeda la dagaallanka Daacish waxayna sheegtay inay “ku martiqaadayso Mareykanka iyo waddamada xubnaha ka ah isbahaysiga caalamiga ah inay taageeraan dadaalladan”.