Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la dhibaataysan dib u furidda Marin-biyoodka caalamiga ah ee Hormuz ayaa…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo la dhibaataysan dib u furidda Marin-biyoodka caalamiga ah ee Hormuz ayaa doonaya inuu saaxiibada Iran kala hadlo xal u helidda go’doonka saaran marinkan.
Trump, waxa uu markale Shiinaha ka dalbaday inay gacan ka siiyaan sidii dib loogu fasixi lahaa marinkaan muhiimka u ah dhammaan badeecooyinka caalamka gaar ahaan Gaaska iyo saliidda ceeriin.
Waxa uu Trump ugu yeeray Shiinaha oo ay saaxiib dhaw yihiin Tehran inuu ka qayb qaato sidii wadadaada dalkaasi loogu qancin lahaa in la fasoxo maraakiibta ku xanniban Marinka Hormuz.
Weeraradii ugu dambeeyey ee ciidanka ilaalada kacaanka Iran ku qaadeen qaybo kamid ah Imaaraadka ayaa sababay in qiimaha shidaalka adduunku kordho boqolkiiba 6%.



