Trump oo u hanjabey dalalka ku mideysan BRICS.

31 January, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay wadamada BRICS 100% in uu cashurayo laabaha dalalkaas haddii ay bedelaan lacagta doolarka Mareykanka oo ah lacag kayd ah.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay wadamada xubnaha ka ah BRICS in uu kor u qaadayo cashuurta 100%, si uu uga dhaadhiciyo in aysan beddelin lacagta doolarka Mareykanka oo ah lacag kayd ah.

“Waxaan u baahan doonaa ballanqaad ka socda dalalkan u muuqda inay cadaw ku yihiin Maraykanka, ballanqaadkaas oo ah inaysan abuuri doonin lacag cusub oo BRICS ah, ama aysan dib u soo celin doonin lacag kale oo ay ku beddelaan dollarka weyn ama, waxay wajihi doonaan 100% tariffs,” ayuu yiri Trump qoraal uu soo dhigey bartiisa Truth Social.

“Ma jirto wax fursad ah in BRICS ay beddelaan doollarka Mareykanka ee ganacsiga caalamiga ah, ama meel kale, waddan kasta oo isku dayaa waa in uu salaan u leeyahay canshuuraha, iyo in uu ka maarmo America!” ayuu ku daray.

BRICS iyo dollarka Maraykanka

Kooxda BRICS waxay ka kooban tahay ugu horrayn Brazil, Russia, India, China iyo South Africa. Dhowrkii sano ee u dambeeyay waxaa ka mid noqdey, Masar, Imaaraadka Carabta, Itoobiya, Iran iyo Indonesia, taasoo tirada xubnaha ka dhigeysa kow iyo toban.

Waxaa la sameeyay 2009 si ay uga hortagto awooda Mareykanka iyo xulafada reer galbeedka.

BRICS waxay ka dhigan tahay ku dhawaad ​​kala bar dadka adduunka waxaana loo tixgaliyaa inay la mid tahay kooxda G7 ee wadamada wershadaha ku horumaray.

Kooxda dhaqaalaha ee BRICS ayaa ku jirtay wadahadalo ku saabsan soo saarista lacag kayd ah oo cusub, fikradda ayaa sii xoogaysatay ka dib markii reer galbeedku cunaqabatayn ku soo rogeen Ruushka dagaalka uu ka wado Ukraine.

Awooda dollarka Maraykanka ee aduunka ayaa sii xoogeysatay dhawaanahan. Waa lacagta kaydka ah ee aasaasiga ah ee adduunka waxaana jira isku-tiirsanaan weyn oo adduunka oo dhan ah.