Trump ma uusan magacaabin wax dal ah ama ma uusan sharaxin waxa uu ula jeeday dalalka adduunka saddexaad.

Shalay, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Qaranka ayaa lagu toogtay Washington, D.C., sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka. Ninka looga shakisan yahay inuu rasaasta riday ayaa la xiray. Ninka weerarka geystay ayaa la rumeysan yahay inuu asal ahaan kasoo jeedo Afghanistan.
Ninkan 29 jirka ah ee la tuhunsan yahay oo u dhashay Afghanistan, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyo hay’ado kale, sida uu sheegay agaasimaha CIA John Ratcliffe.
Sarkaal Mareykan ah ayaa Jimcihii sheegay in muwaadin u dhashay Afghanistan oo lagu eedeeyay inuu toogtay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka lagu soo oogi doono dacwad dil heerka koowaad ah.
Trump oo dhacdadan dusha u saaray dadka soogalootiga ah ayaa sheegay inuu joojin doono dacwadaha la ansixiyay sharci bixinta qaxootiga ee xilligii maamulkii Madaxweynihii hore Joe Biden.
“Waxaan si joogto ah u joojin doonaa socdaalka ka imanaya dhammaan Dalalka Adduunka Saddexaad si aan u oggolaado nidaamka Mareykanka inuu si buuxda u soo kabto, joojiyo dhammaan malaayiinta ogolaanshaha sharci darrada ah ee xukuumadii Biden iyo in laga saaro dalka qof kasta oo aan hanti ku lahayn Mareykanka,” ayuu ku yiri bartiisa bulshada, Truth Social.
‘LAMA jaanqaadi karo Ilbaxnimada Galbeedka’
Trump wuxuu sheegay inuu joojin doono dhammaan faa’iidooyinka federaalka iyo kabista “dadka aan muwaadiniinta ahayn”, isagoo raaciyay inuu “ka takhalusi doono muhaajiriinta wiiqaya xasilloonida gudaha” oo uu masaafurin doono qof kasta oo ajnabi ah oo loo arko inuu yahay khatar amni, ama “aan la jaanqaadi karin ilbaxnimada Galbeedka.”



