Donald Trump ayaa maanta oo Isniin ah markii 2aad loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Mareykanka.

Xafladda ayaa lagu qabtay gudaha xarunta Baarlamaanka ee Capitol Rotunda, iyadoo ay sabab u tahay qabowga ka jira Washington D.C.
Khudbadiisii caleema saarka, Trump wuxuu shaaca ka qaaday in “dib u dhaca Mareykanka” uu si degdeg ah u dhamaan doono.
Trump ayaa ballan qaaday amarro fara badan oo fulineed maalintiisa ugu horreysa ee xafiiska, isagoo wacad ku maray inuu si deg-degleh u fulin doono qorshihiisa.
Trump waxa uu isku diyaarinayaa in uu cafis ballaadhan u fidiyo eedaysanayaasha lagu soo oogay weerarkii 6-dii January 2021 lagu qaaday Aqalka Capitol ee Maraykanka, sida lagasoo xiganayo xubno ku dhaw.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay cafiskii daqiiqaddii ugu dambeysay ee uu bixiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay Joe Biden, kaasoo si bareer ah u ilaaliyay qaraabada iyo qaar kamid ah xubnaha maamulkiisa oo loo arkay inay cadow ku yihiin Trump.
Shan arrimood oo laga qaadan karo khudbadii Trump:
1. Xornimo u hadalka
Trump ayaa ballan qaaday in uu “soo celin doono xoriyatul qawlka” isagoo soo afjaraya faafreebka dowladda — oo ay u badan tahay in uu u janjeero taageerada uu u hayo baraha bulshada iyo shirkadaha teknolojiyadda. Intii ay socotay khudbada, maamulayaasha teknoolojiyadda sida Elon Musk, Mark Zuckerberg, iyo Jeff Bezos waxay fadhiyeen safka hore.
2. Qodida saliida
Trump wuxuu ku baaqay “xaalad degdeg ah oo tamarta qaranka” si loogu ogolaado wax soo saar badan. Ka dib khudbadiisa, Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu ka bixi doono heshiiskii Cimilada ee Paris, waana markii labaad ee Trump uu ka baxo heshiiskaas.
3. Qabsashada Mars iyo Panama
Isagoo si cad u tixraacaya qorshihiisa uu ku doonayo inuu ku gumeysto meeraha Mars, Trump wuxuu wacad ku maray inuu “ballaadhin doono dhulka Maraykanka.” Waxa uu sidoo kale ku celceliyay qorshayaasha siyaasadda arrimaha dibadda, isagoo xusay dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas, wuxuuna si been abuur ah u sheegay in “Shiinuhu uu ka faa’ideysto kanaalka Panama” balse “dib ayaan u soo celinaynaa” ayuu yiri.
4. Lixdii Janaayo 2021
Trump ma uusan soo hadal qaadin rabshadihii lagu xukumay weerarkii lagu qaaday Aqalka Mareykanka 6-dii Jannaayo 2021, taasoo ah mid xusid mudan, maadaama uu sheegay inuu qorsheynayo inuu cafis u fidiyo qaar badan oo iyaga ka mid ah isla maanta.
5. Lab iyo Dheddig Keliya
Madaxweynaha cusub ayaa ka dhawaajiyay qorshaha dib loogu celinayo kala duwanaanshiyaha, sinnaanta, iyo siyaasadaha ka mid noqoshada ee uu horey u ansixiyey Joe Biden, isagoo sheegay in maamulkiisu uu aqoonsan doono kaliya labo jinsi oo kala ah lab iyo dheddig – oo uu joojin doono dadaallada lagu doonayo “doorinta iyo injineerinta jinsiyadda”, isaga oo ula jeeda kuwa nin ama naag iska dhiga, kadib dhalashadooda.