Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in Hindiya ay soo bandhigtay inay eber ka dhigto cashuuraha badeecadaha Mareykanka, xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi si muuqata u muujinayey taageero uu la garab taagan yahay hogaamiyeyaasha Shiinaha iyo Ruushka, iyadoo cadaadis ganacsi uga imaanayo Washington.

Trump oo xiriirka Mareykanka iyo Hindiya ku tilmaamay hal dhinac ah, ayaa bartiisa Truth Social ku qoray: “Waxay hadda soo bandhigeen inay cashuuraha ka dhigaan waxba, laakiin waa soo daahday. Waxaa la gudboonayd inay sannado ka hor sidaas sameeyaan.”
Safaaradda Hindiya ee Washington kama aysan jawaabin hadallada Trump, kuwaas oo yimid kadib markii la dhaqan geliyey cashuuro dhan ilaa 50% oo lagu soo rogay badeecadaha Hindiya, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka xiriirka Mareykanka iyo Hindiya.
Hadalka Trump ayaa yimid iyadoo Raysal Wasaaraha Hindiya Modi uu ku sugnaa Shiinaha, halkaas oo uu ka socday shir ay ka qeyb galeen in ka badan 20 hoggaamiye oo ka socda dalal aan reer Galbeed ahayn oo ka tirsan Ururka Iskaashiga Shanghai, oo ah hindise uu Shiinuhu taageero oo dib xoog loogu yeelay wadamada kadib weerarka Trump ee caalamiga ah ee cashuuraha.
Shirka dhexdiisa, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku adkeystay aragtidiisa ku aaddan nidaam cusub oo amni iyo dhaqaale caalami ah oo mudnaanta siinaya Koonfurta Caalamka, waxayna arrintani caqabad si toos ah ugu tahay Mareykanka.
Xiriirka Mareykanka iyo Hindiya ayaa xoogaystay sannadihii ugu dambeeyay, sida xilligii ugu horreeyay ee Trump xilka hayay. Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa ku hanjabay cashuuraha Hindiya kadib markii ay diiday inay joojiso iibka saliidda Ruushka, taasoo ka soo horjeedday dadaalladiisa lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Moscow ee Ukraine.
Horseed Media



