Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku qaadayo xayiraaddii lagu hayey dekedaha Iiraan, isaga…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku qaadayo xayiraaddii lagu hayey dekedaha Iiraan, isaga oo Tehran ka dalbaday inay dib u furaan marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.
Trump ayaa sheegay in Iiraan “aysan waligeed yeelan karin hub Nukliyeer,” isagoo tilmaamay inuu maanta soo saari doono go’aan kama-dambeeys ah oo ku saabsan heshiiska socda ee u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Donald Trump ayaa intaasi ku daray inuu go’aan rasmi ah ka soo saari doono heshiiska Iran, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dhinacyadu qaban qaabinayaan gaarista heshiis kama dambays ah.
Xuluufada Maraykanka ayaa ku fashilmay dagaalka Iran oo ay kaga baxday balaayiin dollar iyagoo aan weli wax guul ah ka gaarin qabsashada Iran iyo curyaaminta barnaamijkeeda Nukliyeerka.




