Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo shir jaraa’iid qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgalkii ciidamada Mareykanka…

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo shir jaraa’iid qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgalkii ciidamada Mareykanka kusoo qabteen Madaxweynaha Venezuela iyo xaaskiisa.
Trump ayaa sheegay in hawlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay isla markaana aysan jirin wax khasaaro dhimasho ah oo soo gaaray askartooda, Maraakiibta dagaalka iyo diyaaradihii ka qeyb qaatay weerarkii lagu qaaday caasimada Venezuela.

Trump ayaa sheegay in maxkamad loo soo taagi doono Maduro falal la xariira ka ganacsiga Daroogada. Maduro ayaa la horgeyn doonaa Maxkamada New York.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanka uu soo maamuli doono wadankaasi Venezuela inta xilka lagu wareejinayo maamul cusub, “Ma ogolaan doono in ay xilka sii hayaan kooxidii dalka maamuleysay.” ayuu yiri Trump.
Inta aan gacanta ku heyno Venezuela waxaa dib u dayactiri doonaa xarumaha shidaalka soo saara iyadoo lacagta bixin doonaan shirkada Batroolka ee Mareykanka, waxaana maamulka gacanta kusii heyn doona Mareykanka iyo koox la shaqeenaysa, sida uu sheegay Trump mar su’aalo laga weydiiyey qaabka ay u maamulayaan dalka.

Trump ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibada Marco Rubio uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne kuxigeenka Venezuela Delcy Rodriguez oo xilka hada loo dhaariyey, isla markaana doonayaan inay la shaqeeyaan iyada hadii ay diyaar u tahay inay aqbasho soo jeedinta Mareykanka.
Mar uu ka jawaabayey Trump su’aalo laga weydiiyey sida uu ulla macaamilayo Ruushka iyo Shiinaha oo xiriir wanaagsan la lahaa Venezuela gaar ahaan dhanka ganacsiga Batroolka, ayuu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu shidaalka Venezuela ka iibiyo labadaasi dal hadii ay doonayaan.



