Tuhmanayaal ISIS ah oo ka yimid Turkiga oo lagu xiray Suuriya

23 May, 2026

Toban muwaadin oo Turki ah oo lagu eedeeyay inay xubno ka yihiin kooxda Daacish ayaa lagu xiray Suuriya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Turkiga Sabtidii.

10-ka qof – oo ay Interpol u soo saartay digniino caalami ah, ama Ogeysiisyo Cas – ayaa lagu qabtay hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen sirdoonka Turkiga iyo Suuriya, sida ay sheegeen.

Sagaal kamid ah 10-ka qof ayaa dib loogu celiyay Turkiga, sida ay sheegeen wakaaladda wararka ee Anadolu iyo kanaalka TV-ga ee dawladda ee TRT.

Mid ka mid ah dadka la xiray ayaa looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay dadkii ka dambeeyay weerar ka dhacay saldhigga tareenka ee bartamaha Ankara dabayaaqadii 2015, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof.

Laba kale ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen ama ka qayb qaateen weerarro lagu qaaday askar Turki ah oo la geeyay waqooyiga Suuriya.

Warbaahinta dawladda Turkiga ayaa sheegtay in 10-ka qof loo malaynayo inay ku biireen ISIS intii u dhaxaysay 2014 iyo 2017. Ma aysan sheegin goorta iyo meesha lagu xiray dadka la tuhunsan yahay.