Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa…

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, ayaa wadahdal khadka telefanka ah oo ay yeesheen uga wada hadlay arrimaha gobolka iyo xaaladda caalamka.
Labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray taageerada daacadnimada dhuleed iyo midnimada dalalka Yemen iyo Soomaaliya, xilli Madaxweyne Erdogan uu cadeeyay in Turkiga diyaar u yahay ka qaybqaadashada dadaallada lagu hirgelinayo deganaanshaha iyo xasiloonida gobolka.
Dhanka kale, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa u sheegay Madaxweynaha Turkiga in Imaaraadku ka shaqeynayo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, isaga oo muujiyay sida ay muhiimka u tahay in Soomaaliya ay noqoto dal midnimo iyo ammaan leh, lagana hortago faragelin kasta oo khatar ku keeni karta dhuleedkeeda iyo baddaheeda.
Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa imaanaya xilli ay Israel dal madax-banaan u aqoonsatay maamulka Somaliland, ayna jiraan dagaallo xooggan oo ka socda qaybo kamid ah dalka Yemen.



