Turkiga iyo Masar oo ciidamo ku soo daabulaya Somalia.

11 February, 2026

Dalalka Masar iyo Turkiga ayaa siweyn u xoojiyey saamayntooda siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari ee Somalia, xilli…

Dalalka Masar iyo Turkiga ayaa siweyn u xoojiyey saamayntooda siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari ee Somalia, xilli ay ciidamo iyo gaadiid dagaal ku soo daabulayaan Koonfurt Somalia.

Dowladda Masar waxay si rasmi ah u soo bandhigtay in Madaxweynaha Soomaaliyaa muddadii uu ku sugnaa dalkaasi uu booqday ciidamada Masaarida ee loo soo wado Soomaaliya, kuwaa oo ku hubaysan diyaarado iyo gaadiidka dhulka.

Wasiir dowlaha wasaarada Gaashandhigga XFS Cumar Cabdi Cali uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Mohamed Mohamuud ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maraakiib Dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Badda ee Turkiga.