Turkiga iyo Midowga Yurub oo ku baaqay in la ilaaliyo madaxbanaanida Suuriya

2 hours ago

Turkiye iyo Midowga Yurub waxay isku afgarteen baahida loo qabo in la ilaaliyo madax-banaanida Suuriya iyo madaxbanaanida dhuleed,iyaga oo si gaar ah diiradda u saaraya abuuritaanka dowlad loo dhan yahay, ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan Talaadadii.

“Waxaan ku heshiinay in aan ilaalino madax banaanida Suuriya, iyo madaxbanaanida dhuleed, gaar ahaan in la dhiso maamul loo dhan yahay,” Erdogan ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Ursula von der Leyen, oo ah madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, oo booqanaysa Ankara.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Suuriya “si faahfaahsan,” ayuu yiri Erdogan, isaga oo intaa ku daray in “dulmiga, cadaadiska, iyo mugdiga” ee maamulka Al-assad ee 61-jirka ah uu ka tagay Suuriya.

“Waxaan wajahaynaa Suuriya oo ay ku dhinteen hal milyan oo qof, kala bar dadka ay barakiciyeen, dalkuna wuu ka daalay 13 sano oo colaad ah. Suurtagal maaha in dadka Suuriya ay kaligood qaadaan culayskan,” ayuu yidhi Erdogan, isaga oo ku boorriyay waddamada deriska ah, Midowga Yurub, iyo ururada caalamiga ah inay si xooggan u taageeraan hannaanka soo kabashada Suuriya.

“Intii lagu jiray 13-kii sano ee xasuuqa, beesha caalamku nasiib darro ma aysan siin, mana awoodin, inay taageero ku filan siiso dadka Suuriya,” ayuu raaciyay.

Erdogan ayaa sheegay in xaaladdan lagu sixi karo in la taageero dadaallada dib u dhiska Suuriya.

Isagoo xusaya sida Turkiga uu todobaadkii hore dib ugu furay safaaradeedii Suuriya, Erdogan wuxuu ku celiyay taageerada Ankara ee Suuriya.

“Waddanku wuxuu u baahan yahay in laga saaro inuu hoy u noqdo argagixisada,” ayuu yidhi.

Dhanka la dagaalanka argigixisada, Erdogan waxa uu sheegay in Turkiga uu yahay dalka kaliya ee ka adkaaday kooxaha argagixisada ah ee PKK iyo Daacish/ISIS, isaga oo intaa ku daray in Ankara ay sidoo kale tahay xulafada kaliya ee NATO ee hawshan qabtay.

Turkiga ma ogolaan doono in Daacish/ISIS ama PKK midkood ay soo noqdaan, Erdogan ayaa wacad ku maray, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin meel ay kooxaha argagixisada ah iyo kuwa raacsan toona ay ku yeelan karaan saldhig mustaqbalka.”

Markii xukunka laga tuuray taliska Asad ee Suuriya, argagixisada PKK/YPG ayaa dooneysay inay ka faa’ideysato xasillooni darrada dalkaas iyo awood la’aanta.

Ururka PKK/YPG oo doonayey maamul u gaar ah ee waqooyi-bari dalka Suuriya ayaa taageero ka hela Mareykanka oo xoogagaasi u adeegsaday la dagaalanka Daacishta Suuriya.

Sannadihii u dambeeyay Turkiga waxa uu geeyay ciidamo la shaqeeya xulafadiisa maxalliga ah sida mucaaradka Suuriya ee ciidamada qaranka si ay taas uga hortagaan oo ay dadka deegaanka iyo xuduudaha ka ilaaliyaan PKK/YPG.

“Waa muhiim in taageeradani ay tahay mid dhamaystiran, muddo dheer, oo waarta, oo ay ku jiraan maalgashiga kaabayaasha aasaasiga ah ee Suuriya,” ayuu raaciyay, isagoo muujiyay sida Turkigu diyaar ugu yahay inuu la shaqeeyo Midowga Yurub.

Intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya, ilaa 4 milyan oo Suuriyaan ah ayaa magangelyo ka dhigtay Turkiga, halka malaayiin kale ay qaxooti ku yihiin waddamada Midowga Yurub.

Horseed Media