Dowladda Turkiga ayaa isbeddel ballaaran ku samaysay safiirradeeda u fadhiya dalalka Geeska Afrika iyo Bartamaha Afrika,…

Dowladda Turkiga ayaa isbeddel ballaaran ku samaysay safiirradeeda u fadhiya dalalka Geeska Afrika iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada uu saameeyay dib-u-habeyntan diblomaasiyadeed.
Xukuumadda Ankara ayaa u yeertay isla markaana beddeshay ku dhowaad 30 diblumaasi, taas oo qayb ka ah dib-u-habeyn lagu sameynayo siyaasaddeeda arrimaha dibadda. Sida ay qortay warbaahinta Ankara, tallaabadan ayaa lagu tilmaamay dadaal lagu xoojinayo waxtarka howlaha diblomaasiyadeed ee Turkiga ee dalalka dibadda.
Soomaaliya, waxaa safiirka cusub ee Turkiga ee Muqdisho loo magacaabay Ferhat Alkan, halka safiirkii hore qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeyeen inuu ku milmay arrimaha siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, eedeymo si weyn looga hadal hayay xilliyadii u dambeeyay.

Ergeyga cusub ee la magacaabay, Ferhat Alkan, ayaa leh khibrad diblomaasiyadeed oo ballaaran. Hadda wuxuu ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Mozambique, wuxuuna horey u soo qabtay jagada Qunsulka Guud ee Turkiga ee Mareykanka.
Danjire Alkan wuxuu haystaa shahaadada koowaad ee Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacadda Farsamada Bariga Dhexe (METU) iyo shahaadada Masterka ee Daraasaadka Yurub ee Jaamacadda Nottingham.
Dalalka kale ee isbeddelku saameeyay waxaa ka mid ah Kenya oo Selin Özaydın loo magacaabay safiirka cusub ee Ankara u joogi doona Nairobi, Jabuuti oo loo magacaabay Hüseyin Özdemir, iyo Suudaan loo magacaabay Fahri Türker Oba.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa hoggaaminaya isku shaandheyntan ballaaran oo lagu sameeyay ku dhowaad 30 howlgal oo diblomaasiyadeed oo ku kala yaalla Afrika, Bariga Dhexe, Yurub iyo Aasiya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa jihada cusub ee Ankara ay ku doonayso inay ku maareyso xiriirradeeda dibadda iyo danaha istaraatiijiyadeed ee ay ku leedahay gobollada kala duwan ee caalamka.




