Dowladda Turkiga ayaa bilowday qorshayaal dheeraad ah oo ay ku xoojinayso ilaalinta daneheeda gaarka ah iyo…

Dowladda Turkiga ayaa bilowday qorshayaal dheeraad ah oo ay ku xoojinayso ilaalinta daneheeda gaarka ah iyo mashaariicda maalgashi ee ay ka samaynayso qaybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Somalia.
Wargeyska The Middle East Eye ayaa shaaca ka qaaday in Turkigu maalintii Arbacadii magaalada Muqdisho ka dejiyey diyaaraddaha ay dawladda Maraykanku soo saarto ee F-16 oo ka mid ah diyaaraddaha ugu horumarsan dunida wakhti xaadirkan.
Warbixintu waxay tibaaxaysa in Turkigu muddoba shaqo ka wadey gudaha garoonka Muqdisho si loo diyaariyo Hangarradii ay diyaaradaha la dhigi lahaa, qalabkii dayactirka iyo dhammaan khuburadii ku hawlgeli lahayd.
Diyaaradahaan ayaa la sheegay in keenistooda Somalia aya la xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo sidoo kale hindise lagu dhisayo saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.



