Dowladda Turkiga ayaa dedaal ku bixinaysa sidii ay u xakamayn lahayd xiisadda siyaasadeed ee ka soo…

Dowladda Turkiga ayaa dedaal ku bixinaysa sidii ay u xakamayn lahayd xiisadda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay qaar kamid ah dalalka Carabta, xilli wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Ankara Hakan Fidan, uu booqasho rasmi ah ku tegi doono Dubai.
Inkasta oo aan ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah laga bixin booqashada Wasiir Hakan Fidan, haddana wararka ayaa tilmaamaya in qaddiyadda Soomaaliya ay ka mid noqon doonto qodobada miiska saaran, si xal looga gaaro xiisadda labada wadan.
Ilo wareedyo ku sugan Bariga dhexe ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyey in Turkigu doonayo dhex-dhexaadinta dalalka Khaliijka Carabta, lagana hortago in xiisaddu kusii fiddo qaar kamid ah dalalka Bariga dhexe iyo kuwa Bariga qaaradda Africa oo Soomaaliya ugu horrayso.
Booqashada Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ee Dubai ayaa imaanaysa kadib wada-hadal taleefan yeesheen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan.
Booqashada Hakan Fidan ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa mid xambaarsan dadaallo diblomaasiyadeed oo la xiriira dejinta xiisadda, gaar ahaan tan saameynta ku leh Soomaaliya iyo gobolka guud ahaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo laashay dhammaan heshiisyadii ammaanka, iskaashi iyo horumarinta ee ay horay u kala saxiixdeen xukuumadaha Dubai iyo Muqdisho.



